15 qof oo ku geeriyootay duqayn ka dhacday Aleppo

Image
Image
Image
Image
Image

Wararka ka imaanaya dalka Suuriya gaar ahaan magaalada Aleppo ayaa sheegaya in duqayn xooggan diyaaradaha ciidamada xukuumadda Bashaar Al Asad la beegsadeen goob ay ka socotay tacsiyayn loo samaynayay dad ku dhintay duqayn dhacday todobaadkii hore.

Fuustooyinka xambaara Bambaanooyinka ayaa lagu tuuray Aleppo, waxaana ku naf waayay 15 ruux oo carruur u badan halka dhaawaco gaarayo Kontomeeyo kale.

Duqayntaasi waxaa sidoo kale ku waxyeelloobay dad iyo gawaari usoo gurmaday duqayntii hore, waxaana sawirro ay baahiyeen warbaahinta maxalliga ah la arkayay dhaawacyo ku dhul dhintay naxashkii lagu waday iyo bur-bur soo gaaray baabuurta gurmadka ee Ambalasta loo yaqaano.

Dowladda Ruushka ayaa beenisay inay ka dambeeyeen duqayntaas, balse waxaa gaashaanka ku dhuftay dowladda uu hogaamiyo Bashaar Al Asad oo sheegtay inay falkaasi gaysteen diyaaradaha xukuumadda Moscow.

Bur-bur xooggan ayaa soo gaaray magaalada Aleppo, waxaana dhulka lala simay dhammaan daarihii dhaar dheeraa iyadoo ay ku nafwaayeen Boqolaal qof muddo labo todobaad ah oo ay socotay duqayn xooggan oo dhanka cirka ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM