​150 lagu dilay weerar lagu qaaday Shabaab

Image

Dowladda Maraykanka ayaa xaqiijisay inay weerar diyaaradeed ka fuliyeen dalka Somalia islamarkaana ku dileen 150 katirsan Mallayshiyaadka ururka Al-Shabaab oo ku jiray xero tababar ku taalla tuulo hoos timaada degmada Buuloburde.

Dadka deegaanka la duqeeyay iyo saraakiil ayaa sheegay in duqaynta dhacday lala beegsaday saldhig u dhexeeya tuulooyinka Dhariyow iyo Ceel Dibi oo lagu magacaabo Raso habeennimadii Axadda, waxaana goobtaasi 70km dhinaca Galbeed ka xigta degmada Buuloburde.

Jeff Davis af-hayeenka Pentagon Maraykanka, ayaa sheegay in goobta la bartilmaameedsaday ay 150 kilometer dhinaca Waqooyi ka xigto Muqdishu, isagoo xusay inay dhinteen 150 mintidiin ah kuwaasi oo isu diyaarinayay weeraro ka dhaca Somalia.

Wuxuu sheegay inay heleen xog tilmaamay diyaar garowga mallayshiyaadkaasi, wuxuuna xusay inay weerarka fuleen diyaaradahooda aan duuliyaha wadan ee loo yaqaan Drones-ka.

Taliyaha Guutada Tobnaad ee ciidamada dawladda Somalia Korneel Maxamed Cumar oo ayaa VOA u xaqiijiyay weerarka xukuumadda Washington sheegatay, isagoo cadeeyay inay maqleen geerida 69 maleeshiyo ah iyo dhaawaca 43 kale.

Goob joogayaal weerarka ka hadlay, waxay xaqiijiyeen in diyaaradda weerarka fulisay ugu yaraan 6 gantaal ku tuurtay saldhiga iyadoo laba jeer arrintaasi fulisay, waxana cadeeyeen inay goob ku sugnaayeen mallayshiyaad katirsan Shabaab.

Dhanka Al-Shabaab kama aysan hadlin sheegashada Maraykanka dilka mintidiintooda.

 Maaha markii ugu horaysay dowladda Maraykanku weeraro ka gaysato Somalia, waxaana dhawr jeer oo hore duqaymo ay ka fuliyeen Somalia lagu dilay xubno sar-sare oo katirsan ururka Shabaab oo dagaal xooggan kula jira dowladda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM