17 qof oo lagu dilay weerar ka dhacay Jakarta Indonesia

Image
Image

14 January, 2016(GO)-Ugu yaraan 17 ruux ayaa ku dhintay weerar lagu qaaday caasumadda Indonesia ee Jakarta, kadib weeraro isugu jira qaraxyo iyo qoryaha gacanta lagu qaato oo lagu weeraray bartamaha magalada.

Dadka dhintay waxaa ku jira shan ruux oo weerarka soo qaaday, shan katirsan ciidanka Boliiska iyo todobo ruux oo katirsan shacab kusugnaa halka weerarku ka dhacay.

Tiro kale oo aan la cayimin ayaa ku dhaawacmay, waxaana ku jira kuwa u shaqaynayay Qaramada Midoobey sida ay daabaceen warbaahinta Holand, kuwaasi oo lasoo warinayo inay xafiisyo ku lahaayeen goobta la beegsaday oo lagu magacaabo Sarinah shopping complex.

Laamaha Boliiska dalkaasi ayaa sheegaya in falkan ka dambeeyeen lix nin oo watay mootooyin.

Xaaladda magalada aya kacsan, waxaan xiran dhammaan waddooyinka soo galay goobta weerarku ka dhacay.

Ciidamo badan oo Boliiska Jakarta katirsan ayaa goobta la dhoobay, waxaana socda baaritaano ku aaddan qaabka wax u dhaceen iyo dadka weerarka soo qaaday haybtooda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM