​18 qof oo ku dhimatay shil Tareen oo ka dhacay Pakistan

Image

Warbaahinta dalka Pakistan, ayaa baahisay sawirro iyo muuqaalo kala duwan oo ka waramaya shil tareen oo maanta ka dhacay magaalada Karachi gaar ahaan halka laga raaco Tareenada ee Landi.

Shilkaas waxaa ku dhintay 18 ruux, waxaana ku dhaawacmay in kabadan 50 qof.

Booliiska ayaa amar lagu siiyay inay baaraan dhacdadaas kadib markii Ra'ilsa wasaare Nawaz Sharif uu la hadlay warbaahinta.

Goob joogayaal ayaa sheegay in dhac-dadan timid kadib markii ay isku dhaceen labo tareen oo howli sare ku socday.

Mid kamid labadaas Tareen ayaa ku dul dhacay mid kale oo taagnaa meel boosteejo ah.

Kooxaha gurmadka, oo adeegsanaya qalabka biraha lagu kala jaro, ayaa dadaal ugu jira sidii loo bad-baadin lahaa dadka ku xayiran taraanadaas.

Maha markii ugu horaysay ee shir Tareen uu ka dhaco dalkaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM