18 ruux oo ku dhintay waddanka Pakistan

Image

05 November, 2015(GO)-Wararka ka imaanaya dalka Pakistan ayaa sheegaya inay dhinteen inta la hubo 18 ruux ka dib bur-bur soo gaaray dhisme warshadeed oo ka koobnaa afar dabaq.

Shilkaasi waxaa ku dhaawacmay toboneeye kale, iyadoo jiraan dad weli ku xanibay dhismaha waxyeelloobay.

Lama oga sababta rasmiga ah ee shilkan keentay, balse dad ka ag dhawaa ayaa warbaahinta dalkaasi u sheegay in waxyeello ka soo gaartay dhul gariir dhawaan ka dhacay Pakistan oo ku dhinteen 270 qof .

Dowladda waddankaasi ayaa sheegtay inay waddo dadaalo lagu soo bad baadinayo dad ku xaniban qaybta hoose ee dhismaha bur-buray, waxaana xukuumaddu sheegtay ilaa hadda in la soo bad baadiyay inkabadan 70 ruux.

Kooxaha gurmadka ayaa goobta gaaray iyagoo isticmaalaya gaadiid waaweyn si looga hortagyo waxyeello soo gaarta dadka ku xanibay qaybta hoose dabaqa bur-buray.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM