18 ruux oo lagu dilay Bujunbura dalka Brundi

Image

04 Octobar, 2015(GO)-Ugu yaraan 18 ruux ayaa ku dhintay weeraro qorshaysan oo ka dhacay dalka Burundi, ka dib rabshadihii bilowday bishii April ee la soo dhaafay.

Lama oga xilliga la dilay dadkaasi oo isugu jira mucaarad ka soo horjeeda xukuumadda talada dalkaasi haysa iyo kuwa taageersan.

Dadka dhintay ayaa dhammaantood lagu laayay caasumadda Bujunbura ee dalka Burundi, waxaana looga shakisanyahay inay dileen ciidamo taabacsan madaxweynaha dalkaasi Nkurunziza, walow ay ku jiraan dadka dhintay kuwo xukuumadda taabacsanaa.

Maydad yaalla wadooyinka ayaa lagu arkayay caasumadda Bujunbura.

Ilaa 700 qof oo mucaarad ah ayaa maxkamad la keeni doona, waxaana Qaramada Midoobay dhowr maalmood ka hor qeylo dhaan ka muujisay dadka la xir xirayo iyo kuwa lagu dilayo Burundi.

Dilal qorshaysan iyo dibad baxyo waaweyn ayaa dalkaasi ka dhacay tan iyo markii Madaxweyne Pierre Nkurunziza shaaciyay inuu u taaganyahay hogaanka dalka markii saddexaad.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM