18 ruux oo lagu dilay Bujunbura dalka Brundi

Image

04 Octobar, 2015(GO)-Ugu yaraan 18 ruux ayaa ku dhintay weeraro qorshaysan oo ka dhacay dalka Burundi, ka dib rabshadihii bilowday bishii April ee la soo dhaafay.

Lama oga xilliga la dilay dadkaasi oo isugu jira mucaarad ka soo horjeeda xukuumadda talada dalkaasi haysa iyo kuwa taageersan.

Dadka dhintay ayaa dhammaantood lagu laayay caasumadda Bujunbura ee dalka Burundi, waxaana looga shakisanyahay inay dileen ciidamo taabacsan madaxweynaha dalkaasi Nkurunziza, walow ay ku jiraan dadka dhintay kuwo xukuumadda taabacsanaa.

Maydad yaalla wadooyinka ayaa lagu arkayay caasumadda Bujunbura.

Ilaa 700 qof oo mucaarad ah ayaa maxkamad la keeni doona, waxaana Qaramada Midoobay dhowr maalmood ka hor qeylo dhaan ka muujisay dadka la xir xirayo iyo kuwa lagu dilayo Burundi.

Dilal qorshaysan iyo dibad baxyo waaweyn ayaa dalkaasi ka dhacay tan iyo markii Madaxweyne Pierre Nkurunziza shaaciyay inuu u taaganyahay hogaanka dalka markii saddexaad.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM