​22 ku dhimatay qaraxyo ka dhacay Baqdaad

Image

BAQDAAD- In kabadan 22 qof ayaa lagu dilay labo qaraxyo oo ka dhacay baratamaha magaalada Baqdaad ee xarunta dalka Ciraaq.

Dadka ayaa dhintay kadib markii baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa lala beegsaday deegaan ganacsi oo ku yaala degmo ku taala bariga Baqdaad.

Sidoo kale qarax ismiidaamin ah oo baabuur loo adeegsaday ayaa waxa lala eegtay bar kontorool oo milatariga dalkaasi ku leeyahay Woqooyiga caasimadda, halkaasi oo ay ku dhinteen toddobo askari.

Ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadaasi, haseyeeshee kooxda khilaafada islaamka ayaa bilihii ugu dambeeyay qaadeysay inta badan weerarrada noocaasi ah.

Milatariga dalkaasi Ciraaq ayaa hadda isku dayaya in uu kooxdani ka saaro magaalada Faluuja oo 60 kiloomitir dhanka galbeed ka xigta Baqdaad

Arrintan, ayaa kusoo beegantay xilli muddooyinkii dambe weeraro qroshaysan laga fulinayay bartamaha dalka Ciraaq, waxaana mas'uuliyadda falalkaasi sheeganaysay kooxda ISIS.

GAROWEONLINE

Related Articles

Iran oo la filayo inay ka hesho Shiinaha gantaallo lagu soo rido diyaaradaha

Haddii heshiiskan la fuliyo, wuxuu muujinayaa inuu sii xoogeysanayo iskaashiga militari ee u dhexeeya Shiinaha iyo Iran.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 10:35AM

Mareykanka iyo Sacuudiga oo Weerar ku qaaday Kooxo Iran Taageerto oo ku sugan Ciraaq

Kooxda Ciidamada Abaabulka Shacabka (PMF) ee Ciraaq, oo xiriir dhow la leh Iran, ayaa sheegtay in ugu yaraan 20 dagaalyahan lagu dilay.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 09:40AM