​24 qof oo lagu dilay weeraro ka dhacay Ciraaq

Image

BAQDAAD, Ciraaq- Labo qarax oo xoog leh ayaa ka dhacay gudaha magaalada Caasumadda ah ee Baqdaad, waxaana ku geeriyooday ugu yaraan 24 qof sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya dalka Ciraaq.

Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay goob mashquul badan oo lagu iibiyo Jallaatada, waxaana qof waday baabuur lagusoo xiray Walxaha qarxa uu beegsaday goobtaas oo mashquul xooggan ka jiray.

Waxaa ku dhintay 15 qof halka toboneeyo kale ay ku dhaawacmeen.

Saacado kadib waxaa weerar kale lagu qaaday goob xaafadda Shawaka gaar ahaan xafiiska dowladda, waxaana ku dhintay 9 qof oo kale sida ay sheegeen warbaahinta waddankaas.

Weeraradan waxaa mas’uuliyadooda sheegtay kooxda la magac baxday dowladda Islaamka ee Daacish.

Waxay kusoo beegmeen xilli muslimiintu ku guda jirto gudasha waajibaadka bisha Ramadaan.

Weerarkaas waxaa cambaareeyay Ergayga Maraykanka u qaabilsan la dagaallanka Daacish.

"Argagixisada Dawladda Islaamku waxay caawa Baqdaad ku weerartay carruur iyo qoysas wakhti kuwada qaadanayay goob jalaato lagu iibiyo. Waan garab taaganahay Ciraaq oo shayaadiini soo weerareen," ayuu yiri Brett McGurk.

Majirto ilaa hadda ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dowladda Ciraaq taasoo ku aadan weerarada kooxdan ee lagu soo beegayo Bisha Ramadaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxkamadda Bangladesh oo la filayo inay dil ku Xukunto Sheikh Hasina

Hasina, oo 78 jir ah, ayaa ku noolayd magangalyada New Delhi tan iyo markii ay ka carartay Bangladesh bishii Agoosto 2024.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 07:10AM

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM