​24 qof oo lagu dilay weeraro ka dhacay Ciraaq

Image

BAQDAAD, Ciraaq- Labo qarax oo xoog leh ayaa ka dhacay gudaha magaalada Caasumadda ah ee Baqdaad, waxaana ku geeriyooday ugu yaraan 24 qof sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya dalka Ciraaq.

Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay goob mashquul badan oo lagu iibiyo Jallaatada, waxaana qof waday baabuur lagusoo xiray Walxaha qarxa uu beegsaday goobtaas oo mashquul xooggan ka jiray.

Waxaa ku dhintay 15 qof halka toboneeyo kale ay ku dhaawacmeen.

Saacado kadib waxaa weerar kale lagu qaaday goob xaafadda Shawaka gaar ahaan xafiiska dowladda, waxaana ku dhintay 9 qof oo kale sida ay sheegeen warbaahinta waddankaas.

Weeraradan waxaa mas’uuliyadooda sheegtay kooxda la magac baxday dowladda Islaamka ee Daacish.

Waxay kusoo beegmeen xilli muslimiintu ku guda jirto gudasha waajibaadka bisha Ramadaan.

Weerarkaas waxaa cambaareeyay Ergayga Maraykanka u qaabilsan la dagaallanka Daacish.

"Argagixisada Dawladda Islaamku waxay caawa Baqdaad ku weerartay carruur iyo qoysas wakhti kuwada qaadanayay goob jalaato lagu iibiyo. Waan garab taaganahay Ciraaq oo shayaadiini soo weerareen," ayuu yiri Brett McGurk.

Majirto ilaa hadda ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dowladda Ciraaq taasoo ku aadan weerarada kooxdan ee lagu soo beegayo Bisha Ramadaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM