​25 qof oo ku dhintay diyaarad ku burburtay Colombia

Image

Wararka ka imaanaya waddanka Colombia ayaa sheegaya inay bur-burtay diyaarad siday koox Cayaartooy reer Brazil ah taasoo kasoo duushay waddanka Bolivia.

Diyaaraddan ayaa siday 81 ruux, waxayna dhacday  iyadoo ku dhaw magaalada Medellin ee dalka Colombia, sida ay saraakiishu waddankaasi xaqiijiyeen.

Shilkaas waxaa ka bad-baaday 6 ruux, waxaana ku geeriyooday 25 qof oo kale. Waxaa iminka la baadi goobayaa dadkii kale iyo sababta bur-burka keenay.

Kooxda shilka gashay oo lagu magacaabo Chapecoense,  waxay ciyaar kama dambays la dheeli lahayd kooxda Atletico Nacional.

Jawiga goobta diyaaraddu ku dhacday ayaa waxaa ka da'ayay roobab laxaad leh, kuwaasoo loo aanaynayo shilka Diyaaraddaasi.

Sawirro ay soo qaadeen warbaahinta gudaha ayaa muujinayay dhibaato baahsan oo gaartay diyaaraddaas oo iminka gacanta ku hayaan baaristeen Booliiska waddanka Colombia.

Kooxdan katimid Magaalada Chapeco oo dhacda Koonfurta waddanka Brazil ayaa usoo baxday 2014 heerka koowaad kooxaha dalkaas ka dhisan, waxayna gaartay Finalka kooba America Asbuuc kahor markii ay gaaracday kooxda reer Argentine ee San Lorenzo.

Xiriirka kubadda cagta South America, ayaa shilka kadib ku dhawaaqay inay joojiyeen koobkaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM