​25 ruux oo lagu dilay dalka Yemen

Image

MUKALLA- Qarax loo adeegsaday bambaanooyinka gacanta laga tuuro ayaa maanta lagu weeraray saldhig Booliis oo ku yaalla magalada Mukalla ee dalka Yemen, waxaana falkaasi ku dhintay in kabadan 25 qof.

Saraakiil katirsan dowladda ayaa xaqiijiyay geerida 25 ruux oo ay sheegeen in loo qorayay kamid noqoshada ciidamada Booliiska dalkaasi.

Weerarkan ayaa dhacay xilli dadka loo qorayay ciidamada saf ku jireen xarun ciidan oo ku taalla magala Koonfurta dalka Yemen dhacda.

Kooxda ISIS, ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkaasi.

Sannadkii hore, ayaa ciidamada dowladda Yemen kooxaha argagixisada ka qabsadeen magalada Mukalla.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM