​26 qof oo lagu dilay weerar ka dhacay Yemen

Image

Saddex ruux oo xirnaa walxaha qarxa ayaa isku miidaamiyay bar-kantarool oo ciidamada dowladda waddankaasi u taallay magalada Cadan.

Weerarkaasi waxaa ku dhintay in kabadan 26 ruux oo u badnaa haween iyo carruur.

Qaraxyada mid kamid ah ayaa lagu soo waramayaa inuu ahaa gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, waxaana lala eegtay bar-kantarool oo ciidamada dowladda iyadoo goobtaasi ku dhinteen ciidamo iyo shacab ka ag dhawaa goobta lagu magacaabo Buraiqa.

Labada qaraxa ee kala ayaa ka dhacay bartamaha magalada. 

Weeraradan, waxaa sheegtay ururka Daacish oo tilmaamtay inay beegsadeen goob ay ku sugnaayeen ciidamada daacadda u ah dowladda Yemen.

Dowlada rasmiga ah waxay joogtaa magaaladda Yemen, balse madaxweynaha dowladaasi ayaa dalka Sacuudiga ku nool

Falalkan, ayaa lagu soo beegay xilli shacabka waddankaasi u buuxsamay sannad dagaallo iyo weeraro ka dhacayeen dalka Yemen.

GAROWEONLINE

.

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM