​29 qof oo ku dhintay doon ku dagtay Masar

Image

Wararka ka imaanaya dalka Masar, ayaa sheegaya in doon siday 600 oo qof ku qaraqantay mid kamid ah xeebaha waddanka Masar.

29 kamid ah dadkaasi, waxaa la xaqiijiyay inay geeriyoodeen, halka kooxa gurmadku soo bad-baadiyeen in kabadan 150 qof.

Waxaa sidoo kale baadi goob loogu jiraa dad kale oo nool kuwaasoo la sheegay inay ka badbaaday musiibadaasi.

Doonta dhacday ayaa kusii jeeday xeebaha dalka Talyaaniga inkastoo aan la hayn caddayn rasmi ah.

Lama oga sababta rasmig ah ee ka dambaysa shilkaas, balse waxaa la ogyahay in duunyaha qaada dadka muhaajiriinta ah si xad dhaaf ah loo buuxiyo.

Dadka geeriyooda ayaa badi kasoo jeeda qaaradda Afrika.

Wararka qaar, ayaa sheegaya in Doonta ayaa ku degtay xeebta magaalada dekadda ah ee of Rosetta. Wasaaradda Caafimaadka ayaa laga soo xigtey in dadka dhintey ka mid ahaayeen dad u dhashay dalka Sudan iyo waddamo kale.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM