​29 qof oo ku dhintay qarax ka dhacay Afghanistan

Image

Qarax baabuur oo aad u weyn oo ka dhacay gobolka ku yaalla koonfurta dalka Afghanistan ee Helmand, ayaa dilay ugu yaraan 29 qof, islamarkaana dhaawacay in ka badan 60 kale.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in askar iyo shaqaale dowladeed ay isugu soo baxeen dibedda bankiga New Kabul ee magaalada caasimadda u ah gobolka ee Lashkargah, si ay mushaharkooda u qaataan markii qaraxa lagu weeraray.

Afhayeen u hadlay maamulka gobolka, Omar Zwak, ayaa VOA u sheegay in qaar ka mid ah kuwa dhaawacmay “ay ku sugan yihiin xaalad liidata”. Waxa uu intaas ku daray in shaqaale milatari iyo kuwo rayid ah ay ka mid yihiin dhibanayaasha.

Qaraxan dhimashada badan ayaa yimid maalmo un ka hor dabaal degga ciidda ee dalka Afghanistan oo la filayo inay ku beeganto axadda.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.

Helmand waa gobolka ugu ballaaran ee dalka Afghanistan oo inta badan dhulkiisa ay maamulaan ama saameyn ku leeyihiin kooxda Taliban.

VOA

Related Articles

Maxkamadda Bangladesh oo la filayo inay dil ku Xukunto Sheikh Hasina

Hasina, oo 78 jir ah, ayaa ku noolayd magangalyada New Delhi tan iyo markii ay ka carartay Bangladesh bishii Agoosto 2024.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 07:10AM

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM