​30 qof oo ku dhintay Fatahaado ku dhacay Thailand

Image

In ka badan 30 qof ayaa ku dhintay fatahaado ku dhacay Koonfurta dalka Thailand, halkaasi oo muddo dhowr maalmood ah ay ka da'ayeen roobab mahiigaan ah.

Fatahaadda ayaa waxay saamaysay hal milyan oo qoys, oo lagu soo waramayo inay ka barakaceen guryahooda, kadib markii biyaha roobabka ka dhashay ay burburiyeen.

Saraakiisha iyo hay'adaha gurmadka masiibooyinka Thailand  ayaa sheegay  in 10 kamid ah 14-ka gobolka ee ku yaalla koonfurta dalkaasi ay ka da'een roobab socday in ka badan hal todobaad.

Ra'iisul Wasaaraha Thailand  Prayuth Chan-ocha,  ayaa sheegay inay dowladiisu samayn doonto dadaallo lagu caawinayo dadka ay dhibaateeyeen roobabka iyo fatahaada.

Hay'adda saadaasha hawada Thailand ayaa ka digtay roobab kale oo sare u qaadi kara khasaaraha daadadka ka dhashay, waxayna ugu baaqday dalxiisayaasha inaysan u safrin goobaha roobabku ka da'ayaan.

Daadadkii ka dhashay, roobka waxay gooyeen wadooyinka muhiimka ah, ee gargaarka loo marin lahaa dadka u baahan in la caawiyo, waxaana taasi adkaysay dadaalada samatabixinta.

Dowladda Thailand ayaa sheegtay in 50 markab u dirtay goobaha ay fatahaaddu ka jirto, si dadka go'doonsan loo soo bad-baadiyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump: "Israa'iil dambe ma weerari doonto xarumaha gaaska ee Iran."

Digniintii adkayd ee ka timid Riyadh oo sheegtay in "dulqaadkii Khaliijka ee weerarada Iran uu dhammaaday."

  • Caalamka

    19-03-2026

  • 11:05AM

Senate-ka Mareykanka Oo Diiday Xeer Lagu Xaddiday Awoodda Trump ee Dagaalka Iran

Hoggaamiyaha Dimuqraaddiga ee Senate-ka Chuck Schumer ayaa ka hor codeynta sheegay in aysan caddayn ujeeddooyinka dagaalka.

  • Caalamka

    19-03-2026

  • 10:52AM