30 qof oo ku dhintay Qaraxyo ka dhacay dalka Iraq

Image

Ugu yaraan 30 ruux ayaa ku geeriyootay, 60 kalena way dku dhaawacmeen qaraxyo ismiidaamin ah, oo ka dhacay magaalada Mosul, ee waqooyiga dalka Iraq.

Qaraxyada oo ahaa kuwa is-xigay ayaa waxay ka kala dhaceen dhowr goobood, oo uu kamid ah Garoon kubadda lagu ciyaaro oo ay degan yihiin ciidanka Iraq.

Goobaha sidoo kale weerarada ay ka dhaceen ayaa waxaa ku jira Masaajid iyo Suuq, sida laga soo xigtay Saraakiisha amniga dowladda Iraq.

Ururka Daacish ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarada ka dhacay Mosul.

Askar katirsan ciidamada la-dagaalanka argagaxisada dowladda Iraq iyo dad shacab ah ayaa la sheegay inay ku jiraan shakhsiyaadkii khasaaruhu kasoo gaarey qaraxyada magaalada Mosul.

Ciidamada dowladda Iraq ayaa dhawaan galay qeybo kamid ah Mosul kadib dagaal qaatay muddo labo bilood ah, oo ay kula galeen magaaladaasi xoogag Daacish katirsan.

Magaalada Mosul waxaa qeybo aad u badan, oo kamid ah wali ku jirtaa gacanta Daacish, waxaana ay ku dhabar-adaygayaan inay iska caabiyaan xoogaga dowladda Iraq.

GAROWEONLINE

Related Articles

Militariga Mareykanka oo beeniyay sheegasho Iran ka soo baxday 

Iran ayaa marar badan ku andacootay weerarro ka dhan ah ciidamada Mareykanka ama xulafadiisa gobolka.

  • Caalamka

    04-05-2026

  • 12:15PM

Trump: Mareykanka wuxuu bilaabaya galbinta maraakiibta marinka Hormuz

Marinka Hormuz ayaa ah marin aad muhiim ugu ah ganacsiga caalamka, gaar ahaan dhoofinta shidaalka.

  • Caalamka

    04-05-2026

  • 09:30AM