30 qof oo Soomaali ah oo ku dhintey duqeyn ka dhacdey Yemen

Image

April 28, 2015 (GO)- Ugu yaraan soddon qof oo Soomaali ah ayaa ku geeriyoodey duqeyn ka dhacday duleedka magaalada Cadan ee dalka Yemen.

Dadkan oo u badnaa dumar iyo carruur ayaa horay uga qaxay Cadan waxayna muddo kooban ku sugnaayeen xerada qaxootiga Al-qaras oo qiyaastii 120km magaaladaas u jirta.

Axmed Cabdi Aadan oo ah wariye madax bannaan oo ku sugan Yemen ayaa BBC-da u sheegay in dadka la duqeeyey oo saarnaa labo gaari ay duqeysey diyaarad ka tirsan isbhaysiga Sucuudiga, xilli ay kusii wajahnaayeen Cadan.

Waa markii ugu horreysey ee tiro intaa le'eg oo Soomaali ahi ay ku dhintaan dagaallada ka soconaya Yemen.

In ka badan labo kun oo qof oo kasoo cararay Yemen ayaa afartii todobaad ee ugu dambeeyey soo gaarey Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khamenei oo u jawaabay Trump: “Iran marnaba isma dhiibayso”

Xiisadda gobolka ayaa si weyn u kacsan kadib weerarro is-daba joog ah oo u dhexeeyay Israel iyo Iran.

  • Caalamka

    18-06-2025

  • 11:58AM

Trump: Waan ognahay halka uu Khamenei ku sugan yahay, Ma rabno inaan dilno hadda!

Dhinaca kale, Iran ayaa sheegtay in 224 qof lagu dilay, in ka badan 1,000 kalena lagu dhaawacay duqeymaha Israel.

  • Caalamka

    18-06-2025

  • 09:25AM