​32 loo xiray rabashado ka dhacay Chicago

Image

Rabshado ayaa hareeyay isu soo bax siyaasadeed oo murashax xisbiga Jamhuuriga Donald Trump uu ku qaban lahaa magalada Chicago ee dalka Maraykanka, waxaana taasi keentay inuu baaqdo qorshaha ninka ugu cad-cad xisbigaasi.

Arrintan, ayaa keentay kadib markii fagaaraha isugu yimaadeen taageerayaasha Donald iyo kumanaan kasoo horjeeda oo diidanayaa fikirkiisa. 

Boliiska dalka USA, ayaa sheegay inay xireen 32 ruux la tuhunsanyahay inay ku luglahaayeen barnaamijkaasi, waxaana durba ka hadlay murashaxa oo iska fogeeyay mas'uuliyadda wixii dhacay. 

Wuxuu sidoo kale maalqabeenkan uu ku gacan sayray mabdi'iisa uu kaga soo horjeedo Muslimiinta, isagoo sheegay inaysan isaga khusayn.

Waa dhacdadii ugu dambeysay ee wajahda xafladaha uu qabsado musharaxaasi Xisbiga Jamhuuriga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM