​34 qof tahriibayaal ku dhintay Niger

Image

Dowladda waddanka Niger, ayaa sheegtay in la helay maydka 34 qof ku dhintay meel saxare ah kadib markii ay ka dhuunteen mukhalasiintii waday, waxaana dadka dhintay ugu badan carruur Oon iyo Harraad u geeriyooday.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Niger, ayaa xaqiijiyay geerida tahriibayaashaasi oo 20 kamid ah carruur yihiin.

Dalka Niger, ayaa kamid ah meelaha ay sii maraan muhaajiriinta doonaya inay galaan waddamada Yurub, waxaana taasi keentay inay kor usii kacdo tirada dadka ku dhintay dalkaasi.

Dowladda Niger, aya mamnuucday tahriibayaasha ka tallaab waddankeeda, waxaana xabsi mutaysta qof kasta oo lagu helo mukhalasnimo ama tahriib fududeyn.

Maalin kasta waxaa kor usii kacda dadka ku le'enaya jidka loo maro Yurub, hadana ma yaraadaan safarrada dhalinyarada Afrikaanka ah ee qaaraddaasi u socdaala.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM