36 ruux maydkooda oo laga helay Turkiga

Image

06 January, 2016(GO)-Ilaa soddon iyo lix ruux oo tahriibayaal ah ayaa maydkooda laga helay badda u dhaxaysa Giriigga iyo Turkiga kadib markii ay qaraqantay dooni ay lasocdeen, waxaa arrintan warbaahinta usoo bandhigay saraakiil katirsan dalkaasi.

Shilka dadkaasi ku dhinteen ayaa loo aaneeyay dabaylo ka dhacayay badda ay ku safreen, waxaana maydadka la helay ku jiray caruur aad u da'yar.

Dhinaca kale laamaha amniga waddankaas ayaa ku guulaystay badbaadinta 12 ruux oo muhaajiriin ah.
Weli si rasmi ah uma cadda inta doonyood ee badda ku degtay, hasa yeeshee wakaaladda wararka ee Dogan, ayaa ku warantay inay dhibaatadu ka kala dhacdey laba meel.

Meydadka laba ruux ayay ciidamada ka soo saareen xeebta degmada Ayvalik, halka inta harteyna ku soo caariyeen Dikili, oo 50 KM dhinaca koonfureed ka xigta degmada Ayvalik.

Wali lama caddayn dhalashada dadka dhintay balse waxaa la rumaysanyahay inay u dhasheen waddanka Suuriya islamarkaana kasoo carareen colaadda iyo duqaynta diyaaradaha shisheeye ka gaysanayaan dalkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Putin oo ku dhawaaqay in Ruushka tijaabinayo Hubka Nuclear-ka

Wararka ka imanaya Kremlin-ka waxay sheegayaan in Putin uu mar kale cadeeyay in haddii Maraykanku sameeyo tijaabooyinkan.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 07:52AM

Omar Fateh oo Aqbalay Guuldarradiisa Doorashada Duqa Magaalada Minneapolis

Haddii uu guuleysan lahaa, Omar Fateh wuxuu noqon lahaa duqii ugu horreeyay ee Muslim ah, Soomaali Maraykan ah.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 05:24AM