36 ruux oo ku dhintay Shil ka dhacay dalka Afghanistan

Image

Wararka maanta oo Axad ah 04 September, 2016 laga helayo waddanka Turkiga ayaa sheegay in khasaaro xooggan ka dhashay baabuur isku dhacday nawaaxiga Jildak oo ku taala agagaarka gobolka Zabul.

Baabuurta shilkaasi ka dhashay ayaa kala ahaan Bas waday Rakaab iyo Booyad shidaal.

Baska ayaa kasoo baxay Kandahar, wuxuuna kusii jeeday magaalada Kabul.

Shilkaasi ayaa wararku sheegayaan inay ku geeriyoodeen 36 ruux halka dhaawacu gaarayo in kabadan 25 ruux oo qaybtood xaaladoodu liidato.

Dadka dhintay qaybtood aad ayay u adagtahay in la aqoonsado maadama jirkoodu gubtay, waxaana ku jiray haween iyo carruur.

Sababta keentay isku dhaca labada gaari ayaa loo malaynayaa xawaare sare oo ay ku socdeen, iyadoo ay jiraan bur-bur dhanka wadada isku xirta Kabul iyo Kandahar.

Dadka dhaawaca ah waxaa loola cararay magaalada Zabul oo caasimad u ah gobolka Qalat, iyo gobolka Kandahar, qaarkoodna xaaladoodu aad ayay u liidataa.

Gul Islam Seya oo ah afhayeenka gafarnatooraha Zabul ayaa labada darawalba ku eedeeyay taxadar la'aan.

Bishii shanaad ee sanadkan 73 ayaa dhimatay kaddib markii ay isku dhaceen labo bas iyo booyad shidaal oo marayay wado wayn oo ku taala gobolka Ghazni.

Ugu yaraan 30 ruux ayaa ku dhimatay shil kaas la mid ah oo ka dhacay gobolka Kandahar bishii afraad ee 2013.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM