​60 ku dhimatay Dhul-gariir ka dhacay Talyaaniga

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Wararka ka imaanaya dalka Talyaaniga ayaa sheegaya in ugu yaraan 60 ruux ku geeriyoodeen Dhulgariir maaanta ka dhacay dalkaasi halka in kabadan 200 ruux kale la la'yahay.

Dhulgariirka ayaa cabirkiisu lagu qiyaasay 6.2, waxayna u dhaweyd halka masiibadu ka dhacday magaalada Norcia oo xuduud la lehPerugia.

Saamay ba'an ayuu gaystay dhulgariiskaasi waxaana bur-buray dhismayaal badan kuwaasoo ku hoos jiraan boqolaal kamid ah dadkii daganaa.

Waxaa walaac xooggan laga muujiyay qaabkii loogu gurman lahaa dadkii ku waxyeelloobay masiibadaasi iyadoo la sheegayo inay halis tahay waddooyinka maadama ay go'een.

Duqa magaalada Amatrice oo dhibaatada laga dareemay ayaa sheegay in cod laga maqlayo burburka, dadkana loo gurmanayo hal hal.

Gobolka Umbria, Lazio iyo Marche ayaa caan ku ah dalxiiska, waxaana halkaasi ku sugan dalxiisayaal badan.

Muuqaalo iyo sawirro laga soo qaaday goobtaasi ayaa muujinaya Cagaf-cagafyo lagu faagayo bur-burka guryaha, halka dadkii la bad-badaaday loo daad gureeyay meeelaha nabdoon.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM