​4 qof oo u dhimatay Sun lagu weeraray Xalab

Image

XALAB, Suuriya- Waxaa goobaha caafimaadka magaalada Xalab ee dalka Suuriya la jiifiyay bukaano kala duwan oo qaybtood ku dhaawacmeen weeraro halkaasi ka dhacay maalmihii u dambeeyay.

Dagaalkaasi oo u dhaxeeyay mucaaradka, dowladda iyo dalalka taageersan ayaa waxaa ku dhintay 4 qof.

Sun Kiimiko ah ayaa loo malaynayaa in dagaalkaasi loo adeegsaday, waxaana baaritaano ay sameeyeen dhaqaatiirtu heleen dad badan oo jirkooda ku faaftay Sun.

Suntaasi ayaa la saadaalinayaa in ay tahay kiimikada kalooriin oo hawada laga soo riday, taasoo lala eegtay qaybta mucaaradku ka joogaan magaalada.

Dowladda iyo mucaaradka Suuriya ayaa horey labaduba u beeniyay in ay hubka kiimikada ay u isticmaaleen dagaalka.

Dagaalka ayaa wali socda, waxaana jira dadaallo lagu doonayo in lagu hakiyo waqtiyada qaybtood si gar-gaar loo gaarsiiyo dadka tabaalaysan.

Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka ayaa sheegtay in ciidamadooda ku sugan magaalada Xalab ay maalintii Saddex Saac howlgalka joojinayaan si gar-gaar loo gaarsiiyo dadka mucaawinada u baahan.

Xaaladda magaalada Xalab ayaa haatan u muuqata mid faraha ka baxday, waxayna daris la noqota daryanka madaafiicda iyo duqaymo joogto ah.

Kumaanaan kamid ah dadkii joogay halkaasi ayaa qaxay, halka kuwo kale ku naf-waayeen weerarada aan waqtiga lahayn ee u dhaxeeya ciidamada daacadda u ah Bashaar al-Asad, mucaaradka kuwa waddamada shisheeye.

GAROWEONLINE

Related Articles

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM