​46 ruux oo ku dhimatay qaraxyo kadhacay dalka Syria

Image

Inta la ogyahay 46 ruux ayaa dhintay tiro intaas ka badanna waa ku dhaawacmeen weeraro isxig-xigay oo ka dhacay magaalada ku taalla galbeedka waddanka Syrianee Xums. 

Qaraxyadan ayaa ka dhashay labo gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa kuwaasi oo lasoo dhigay xaafado ay ku badanyihiin shacabka taageera Bashar al-Asad. 

Kooxaha xuquuqda aadanaha u dooda ayaa cadeeyay dhimashada 46 ruux halka warar maxalli ah tirada dhimashada ka dhigayaan 42. 

Dadka dhintay ayaa 28 kamid ah yihiin shacab.

Ilaa hadda majirto cid sheegatay weerarkan, balse waxaa looga cabsi qabaa ururka Daacish oo mudooyinkii dambe weeraro caynkan ah ka gaysanayay Xums. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM