47 qof oo lagu dilay dalka Sacuudiga

Image

02 January, 2016(GO)-Boqortooyada dalka Sacuudiga ayaa maanta toogasho ku tishay 47 qof oo loo haystay dambiyo la xiriira argagixiso, waxaana falka qasaasta shaacisay wasaaradda Arrimaha Gudaha dalkaaso oo tilmaamtay in lagu helay xukunkii loo haystay.

Dadka la toogtay waxaa ku jira wadaad Shiico ah oo lagu magacaabo Nimri Baaqir Al-Nimri, waxaana sannadkii 2012 Boqortooyada Sacuudiga ujeediyay dhaleecayn isagoo tilmaamay in dalkaasi doorasho ka dhacdo, balse loo aqoonsaday argagixiso.

Dilka Nimri, ayaa ka dhashay banaanbaxyo ay dhigeen dadka laga tirada badanyahay ee Shiicada, iyadoona xukuumadda Tehran sheegtay in arrintaasi Sacuudigu kala kulmi doono cawaaqib xumo.

Ragga ladilay waxa ku jiray wadaad sunni ah oo isna loo haystay falaal argagixiso, waxaana lagu magacaabi jiray Fares Shuwel.

Badi dadka la qisaasay ayaa kasoo jeeday Boqortooyada Riyaad marka laga reebo labo nin oo ukala dhashay Chad iyo Masar, wuxuuna dalkani kamid noqonayaa shanta waddan ee ugu dilka badan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo raalli-gelin ka bixisay khariidad khaldan oo Afrika ah

Khariidadda ayaa lagu soo bandhigay shirkii AIDS 2026, waxaana lagu muujiyay lix waddan…

  • Caalamka

    31-07-2026

  • 08:27AM

Sacuudiga oo Wada Qorshe Lagu Dhisayo Isbahaysi Caalami ah oo Lagu Ilaalinayo Maraakiibta Badda Cas

Tan iyo markaas, Xuutiyiintu waxay sheegeen inay weerarro ku qaadeen maraakiib Sacuudi ah oo marayay Badda Cas.

  • Caalamka

    31-07-2026

  • 08:35AM