5 ka mid ah ciidamada NATO oo ku dhintay shil diyaaradeed

Image

12 Octobar, 2015(GO)-Diyaarad laga leeyahay dalka Britain ayaa ku dhacday xero Milateri oo ku taalla wadanka Afganistaan, ka dib cilad soo gaartay xilli ay dagi lahayd, waxaana ku dhintay shan ka mid ah ciidamada NATO.

Wasiirka difaaca Britian oo London ku sugan, waxa uu sheegay in labo kamid ah shanta askari ee dhimatay u dhasheen dalka Britain, balse lama ogaan saddexda kale wadama ka soo jeedaan.

Afhayeen u hadlay NATO ayaa xaqiijiyay inay ciladowday diyaaradan oo nooceeyu yahay Helikobter "Puma Mk 2" waqti ay ku daganaysay xero ku leeyihiin magalada Kabul.

Wali waxaa socda baaritaan NATO wado oo ku xaqiijinayaan waxyaabaha dhaliyay ciladda.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Trump oo ku dhawaaqay go'aan cusub oo ku saabsan dagaalka Iran

Xiisadda gobolka ayaa cirka isku shareertay maalintii Axadda ka dib markii Israa’iil ay duqaysay caasimadda Lubnaan ee Beirut.

  • Caalamka

    09-06-2026

  • 09:06AM

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM