​51 qof oo lagu dilay qaraxyo ka dhacay Ciraq

Image

BAQDAAD- Saddex qarax oo bambaanooyin loo adeegsaday ayaa magaalada Baqdaad ku dilay ugu yaraan 51 qof sida ay sheegeen laamaha caafimaadku, waana midkii u dambeeyay qaraxyo badan oo todobaadkii hore ka dhacay magaalada caasimadda ah.

Haweenay is qarxisay ayaa la rumaysan yahay in ay bartilmaameedsatay suuq ku yaala bariga deeganka Shacab oo ay Shiicadu ku badan tahay.

Bambooyinka kale waxay ku qarxeen suuq ku yaala Sadr oo Shiicadu ay ku badantahay.

Ururka isku magacaaba Dawladda Islaamka ee Jihaad doonka ah ayaa sheegtay in ay ka dambeeyeen weerarka Shacab.

Malayshiyada Dawladda Islaamku waxaa kale ooy ka dambeeyeen saddex qarax oo gaadhi loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Baqdaad Jimcihii, kuwaas oo galaaftay nolosha 93 ruux, weerar kale oo lagu qaaday warshad shidaal ayaa Axaddii 14 ku dilay meel waqooyiga ka ah magaalada.

Qolyaha caafimaadku waxay sheegayaan in 100 shacab ah ay ku dhaawacmeen weerarada talaadadan maanta ah.

BBC

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM