Dad lagu laayay weerar ka dhacay dalka Jarmalka

Image
Image
Image
Image
Image

MUNICH, Germany- Hawlgal ballaaran ayay booliska dalka Jarmalka ka wadaan magaalada Munich ee koonfurta dalkaasi si ay gacanta ugu soo dhigaan ugu yaraan saddex qof oo la rumeysan yahay in ay ku lug lahaayeen weerar ka dhacay meel lga dukaameyste.

Afhayeen u hadlay booliska ayaa sheegay in lix qof lagu dilay weerarka tiro kalena lagu dhaawacay. Booliska ayaa sheegay in weerarkaasi uu noqon karo mid argagixiso.

Ciidamada ayaa isku gaadaamay goobta uu weerarka ka dhacay, waxaana sidoo kale la joojiyay guud ahaan gaadiidka ka dhex shaqeeya magaaladaasi, waxaana magaalada dul heebaabaya diyaaro helikobtar ah oo ay boolisku leeyihiin.

Weerarka ayaa billowday kaddib markii rag hubeysan ay tacshiirad ku fureen maqaaxida ku dhex taala goobtaasi laga dukaameysto. 

Dad goobjoogeyaal ah ayaa sheegay in ay arkeen ugu yaraan saddex nin oo rasaasta kaddib ku sii cararaya maxadda tareen oo halkaasi ka ag dhow. 

Haybta iyo ujeedada dableydani wali lama oga haseyeshee weerarkan ayaa ah kii labaad usbuucan gudahiisa. Isniintii la soo dhaafay ayaa wiil dhawr iyo toban jir ah waxa uu Magaalada Bavaria masaar iyo toorrey ku weeraray rakaab saaran tareen. Madaxweyne Obama ayaa sheegay in mareykanka uu Jarmalka u ballan qaadayo wax kasto oo ay uga baahdaan.

BBC

Related Articles

Trump oo la Kulmay Madaxweynaha Suuriya Ahmad al-Sharaa 

Trump ayaa booqashadiisa Sacuudiga ka bilaabay Talaadadii, waxaana qayb ka ah safar uu ku tegayo dalalka Khaliijka.

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 08:40AM

Xisbiga Xasan Sheekh ee JSP oo Laga Digay In Dalka U Jiheeyo Nidaam Kaligii-Talis ah

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu tolanayo shaar isaga la eg, maadaama uu dhistay xisbiga JSP.

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 07:45AM