Dad lagu laayay weerar ka dhacay dalka Jarmalka

Image
Image
Image
Image
Image

MUNICH, Germany- Hawlgal ballaaran ayay booliska dalka Jarmalka ka wadaan magaalada Munich ee koonfurta dalkaasi si ay gacanta ugu soo dhigaan ugu yaraan saddex qof oo la rumeysan yahay in ay ku lug lahaayeen weerar ka dhacay meel lga dukaameyste.

Afhayeen u hadlay booliska ayaa sheegay in lix qof lagu dilay weerarka tiro kalena lagu dhaawacay. Booliska ayaa sheegay in weerarkaasi uu noqon karo mid argagixiso.

Ciidamada ayaa isku gaadaamay goobta uu weerarka ka dhacay, waxaana sidoo kale la joojiyay guud ahaan gaadiidka ka dhex shaqeeya magaaladaasi, waxaana magaalada dul heebaabaya diyaaro helikobtar ah oo ay boolisku leeyihiin.

Weerarka ayaa billowday kaddib markii rag hubeysan ay tacshiirad ku fureen maqaaxida ku dhex taala goobtaasi laga dukaameysto. 

Dad goobjoogeyaal ah ayaa sheegay in ay arkeen ugu yaraan saddex nin oo rasaasta kaddib ku sii cararaya maxadda tareen oo halkaasi ka ag dhow. 

Haybta iyo ujeedada dableydani wali lama oga haseyeshee weerarkan ayaa ah kii labaad usbuucan gudahiisa. Isniintii la soo dhaafay ayaa wiil dhawr iyo toban jir ah waxa uu Magaalada Bavaria masaar iyo toorrey ku weeraray rakaab saaran tareen. Madaxweyne Obama ayaa sheegay in mareykanka uu Jarmalka u ballan qaadayo wax kasto oo ay uga baahdaan.

BBC

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM