​65 qof lagu diray weeraro ka dhacay Suuriya

Image

Wararka aan ka helayno xeebaha dalka Suuriya, ayaa sheegay in qaraxyo waaweyn lala eegtay goobo ay isugu yimaadaan bulshada iyo baro laga raaco basask.

Ilaa  dhawr qarax ayaa dhacay maanta, waxaana ku dhintay in kabadan 65 qof.

Qaraxyada qayb waxaa fuliyay dad isku soo xiray walxaha qarxa, waxayna beegsadeen goob lagu ganacsado.

Saraakiil la hadashay warbaahinta Suuriya, ayaa sheegay inay wadaan baaritaano ku aadan cidda ka mas'uulka ah falkaasi, waxayna sheegeen inay ka xunyihiin weeraradaas gacantana kuso dhiigi doonaa shakhsiyaadkii ka dambeeyay.

Warbaahinta Suuriya waxay sheegtay in meelaha la bartilmaameedsaday ay ka mid yihiin goobo basaska laga raaco.

Weeraro intaas la eg ayaa naadir ku ah goobahaas. illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weeraradaas.

Muddo sanooyin ah dalkaasi ayaa ku jiray fowdo siyaasadeed, waxaana lagu laayay dad aad u badan kadib duqaymo ay fuliyeen mintidiinta diidan dowladda Bashaar al-Asad iyo dalalka reer Galbeedka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM