​8 sano jir Somali ah oo Sweden lagu dilay

Image
Image
Image

Wararka maanta oo Talaado ah laga helayo waddanka Sweden ayaa sheegaya in la dilay cunug jira sideed sano kadib markii hoy ay isaga iyo waaridkiis hurteen xalay saq dhexe lagu weeraray wax loo malaynayo Bamb gacmeed.

Qoyska cunuga laga dilay ayaa booqasho ku joogay caasumadda Labaad ee dalkaasi Gothenburg.

Booliiska dalkaasi ayaa wada baaritaano ku aadan sida ay wax u dhaceen, waxaana socda dadaallo lagu baadi goobayo shakhsiyaadkii ka dambeeyay.

Guriga weerarku ka dhacay, waxaa horay u daganaa qof loo haystay dil ka dhacay dalka Sweden.

Lama oga sababta rasmiga ah ee loo weeraray qoyskan kasoo kicitimay magaalada London ee dalka Britain.

Dhowr jeer oo hore waxaa waddankaasi dil loogu gaystay dad Somalia ah lama oga sababta loo bar-tilmaameedsado.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM