87 qof oo ku qaraqmay Badda Liibiya

Image
Image
Image

Ku dhawaad 100 ruux ayaa geeriyooday kadib markii ay dagtay doon ay la socdeen tahriibayaal lagu qiyaasay 120 qof oo axaddii lasoo dhaafay ka shiraacday xeebaha Liibiya.

Maydadka dadka dhintay ayaa laga helay gobolka Zawiya.

Kooxaha Gurmadka ayaa helay maydadka 87 qof, iyagoo sheegay inay u malaynayaan dad dhintay oo biyaha hoos u galay.

Dadka geeriyooday waxaa ku jiray carruur iyo dumar, kuwaas oo ku wajahna qaaradda Yurub gaar ahaan dalka Talyaaniga.

Maydadka dadka masiibadaas ku dhintay ayaa la geeyay qabuure ku yaal Tripoli, sida uu sheegay afhayeen u hadlay dowladda Liibiya.

Todobaadkii waxaa gobolka Zawiya laga soo bad-baadiyay 500 oo dhalinyaro doonaysay inay aadan dhinaca Liibiya, kuwaas oo watay doonyo aad u jilicsan.

Sannadkii hore, waxaa masiibadan oo kale u geeriyooday 5,000 oo qof.

Dhibaatada ugu badan ayaa ka dhacday badda Mediterranean sea.

Bishii lasoo dhaafay tirada dadka ku dhimanaya Liibiya ayaa sare u kacday.

Magaalooyinka Liibiya, waxaa hadda ku sugan dhalinyaro aad u badan oo doonaya inay galaan dalalka Yurub, kuwaas oo raadinaya inay helaan nolol ka wacan midda taalla Africa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM