​9 qof oo lagu dilay qaraxyo ka dhacay Nigeria

Image

Qaraxayada waxay ka dhaceen Wararka laga helayo magaalada Maiduguri ee waqooyi bari dalka Nigeria, ayaa sheegaya in halkaas maanta ka dhaceen qaraxyo kala duwan oo galaaftay nolosha ku dhawaad 9 qof.

Maamulka dalkaas, ayaa ku waramay in laba qarax oo maanta ka dhacay dadkaas ku dhinteen islamarkaana ku dhaawacmeen in ka badan 20 ruux oo kale.

Qaraxa koobaad, ayaa saaka aroortii ka dhacay xero ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah.

Halka kan labaadna lala eegtay goob shidaalka laga dhoofiyo oo ku taalla gudaha magaalada Maiduguri.

Mas'uuliyadda qaraxyadan, ayaa loo malaynayaa inay ka dambaysay kooxda Boko Xaraam oo muddooyinkii dambe xoojisay weerarada ay ka geystao Waqooyiga Nigeria.

Xaaladda magaalada Maiduguri, ayaa dagan, waxaa si caadi ah u socda ganacsiga iyo isu socodka gaadiidka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM