Afar qof oo ku dhintey qarax ka dhacey dalka Kenya

Image

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhimatay ilaa lix kalena way ku dhaawacmeen kadib markii baabuur ay saarnaayeen dad rayid ah ay miino kula qaraxday deegaanka Madax-waraabe oo u dhow Lafey, una dhaxaysa Ceel Waaq iyo Mandera.Baabuurkan ayaa la sheegay inuu ka tagay magaalada Ceel-Waaq uuna kusii jeeday Mandera markii ay miinadu la qaraxday. 

Mid ka mid ah mas'uuliyiinta deegaanka oo la hadlay VOA ayaa sheegay in dadka dhaawacmay lasoo gaadhsiiyey cisbitaalka degaanka Lafey uuna ku jiro mid ka mid ah mas’uuliyiinta deegaannada oo dhaawaciiisu halis yahay.Mas’uuliyiintu waxay VOA u sheegeen in dadka dhintay ay haatan dhan yihiin 4 qof, kuwaasi oo saddex ay ku dhinteen isla goobta qaraxu ka dhacay, kan kalena uu dhintay intii cisbitaalka loo sii waday.Al-Shabaab ayaa inta badan loo tiriyaa inay ka dambeeyaan weerarradan loo adeegsaday miinooyinka dhulka lagu aaso ee ka dhacay Waqooyi Bari Kenya.

VOA

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM