Afduub dad shacab loogu gaystay magaalo ku taal bariga Nederland

Image
Booliska ayaa sheegay in aysan jirin wax muujinaya in qofka afduubka gaystay uu ka lahaa ujeedo argagixiso.

Nederland (GO) - Dad shacab ah ayaa lagu afduubtay magaalo ku taal bartamaha dalka Nederland Sabtidii, sida ay booliisku sheegeen, iyadoo baneeyay dhamaan guryihii ku ag yaala halka ay dhacdadu ka dhacday.

Booliska ayaa bayaan uu ku soo qoray barta “X”: “Afduub ayaa ka dhacay dhismo ku yaal bartamaha magaalada Eedeh.”

Booliska ayaa sheegay in aysan jirin wax muujinaya in qofka afduubka gaystay uu ka lahaa ujeedo argagixiso.

Booliska ayaa sheegay in ay xireen meel maqaaxi ah oo lagu qaxweeyo, iyadoo dadka degan ilaa 150 guri loo daad gureeyay goobo ammaan ah.

Ilaa hadda ma cadda tirada dadka la afduubtay, balse warbaahinta gudaha ayaa tiradooda ku qiyaasay afar ilaa shan, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee France Press.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Saudi Arabia iyo Kuwait oo Qaaday Xannibaadihii Hakiyay qorshaha Trump ee Hormuz

Labada dal ayaa horay u xaddiday adeegsiga saldhigyadooda si ay uga fogaadaan inay qayb ka noqdaan iska horimaad toos ah.

  • Caalamka

    08-05-2026

  • 07:12AM

Militariga Mareykanka oo beeniyay sheegasho Iran ka soo baxday 

Iran ayaa marar badan ku andacootay weerarro ka dhan ah ciidamada Mareykanka ama xulafadiisa gobolka.

  • Caalamka

    04-05-2026

  • 12:15PM