Afgambi lagu sameeyay dowladda Burkina Faso

Image

17 September, 2015(GO)-Ilaalada madaxtooyada dalka Burkina Faso ayaa ku dhawaaqay inay kala direen dowladdii ku meel gaarka ahayd ee dalkaas.

Xubin ka mid ah ciidamadamada ilaaliya madaxtooyada ayaa ka muuqday TV-ga dowladda,wuxuuna ku dhawaaqay in dowladdii ku meelgaarka ahayd lakala diray.

Ciidamada ayaa sidoo kale xiray madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo kullan heer wasiiro ah ku lahaa dhismaha madaxtooyada ee caasimadda dalkaasi Ouagadougou.

Tallaabadan ayaa timi kaddib laba maalin oo guddi ku taliyeen in shaqada laga joojiyo ciidamada ilaaliya madaxtooyada dalkaasi, waxayna arrintani u muuqataa Afgambi.

Waa hadalkii ugu horeeyay ee ka soo yeera ciidamada ilaalada madaxtooyada Burkina Faso, tan iyo markii madaxtooyada ay la wareegeen.

Rabshado ka dhacay wadankaasi bishii October ee 2014 ayaa xoog xilka looga tuuray madaxweynihi mudad soo talinayay ee Mr Compaore oo haatan carar ku maqan, waxaan rabshadahaasi ku luglahaa Barlamanka dalkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM