Afgambigii Burundi oo dhicisoobay

Image

Laba lataliye Boolis iyo Generaal isku dayay maalintii Arbacada ahayd, in ay xilka ka tuuraan madaxweynaha Burundi Piere Nkurunzinza, ayaa lagu xiray caasimadda dalkaasi ee Bujumbura.

Afhayeenka madaxweynaha, waloow uu sheegayo in hoggaamiyihii isku dayay afgambiga General Godefroid Niyombare, uu weli baxsad yahay.

Madaxweyne Pierre Nkurunzinza, ayaa qudbad u jeedinaya dalkiisa wakhtigan, kaddib markii uu ku dhaawaqay in uu dalka ku soo noqday xalay.

Dadka kale ee la xirxiray ayaa waxaa ka mid ah kuxigeenka hoggaamiyaha afgambiga sameeyay Cyrille Ndayirukiye, iyo hoggaamiyayaal sar sare oo ku jira milatariga.

Ciidamo kale oo ku lug lahaa isku dayga afgambi ayaa isdhiibay.

Waloow afhayeenka Booliska uu sheegayo in Generaal Godefroid Niyombare, oo horkacayay kacdoonkan uu weli baxsad yahay.

Mar sii horaysay Generaal Niyombar, ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu isdhiibo, kaddib markii uu fahmay in inta badan ciidamadda ay taageersan yihiin dowladda hadda jirta.

Madaxweyne Nkurunzinza, ayaa qudbad u jeedinaya shacabkiisa saaka, kaddib markii uu dib uga soo laabtay dalka dariska la ah ee Tanzania, oo uu kaga qeybgalayay kullan gobalka ah, markii lagu dhawaaqay isku dayga afgambi.

Xabada goos goos ah ayaa laga maqlayay saaka caasimadda, balse hadda xaalku waa daganyahay.

XIGASHO:BBC

Related Articles

Iran oo soo riday diyaarad, duuliye Mareykanka oo la raadinayo

Tehran ayaa kaga jawaabtay weerarro diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo ah oo lagu beegsaday Israa’iil, iyo sidoo kale Urdun.

  • Caalamka

    03-04-2026

  • 06:19PM

CC Warsame: Xasan Sheekh wuxuu rabaa doorasho isaga tartame iyo garsoore ka yahay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in tallaabadani ay calaamad u tahay marxalad halis ah oo uu dalku galay.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 03:54PM