Afganistan oo shaacisay la wareegidda Kunduz

Image

01 Octoer, 2015(GO)-Dowladda Afgaanistaan ayaa sheegaysa in ay dib u qabsatay gacan ku haynta magaalada woqooyi ee Kunduz, saddex maalmood kaddib markii halkaasi ay qabsadeen dagaalyahanno ka tirsan ururka Taalibaan.

Arrintan ayaa lagu shaaciyay baraha bulshada iyadoo la soo dhigay Sawirro muujinaya in dowladdu gacanta ku dhigtay xarumo muhiim ah oo ay ka midyihiin saldhigyo ciidan.

Ururka Taliban kama hadlin warka Afgaanistaan, ee ku aadan in lagala wareegay magaalada gacanta u gashay maalintii Isniinta ee la soo dhaafay.

Afhayeenka ciidamada Maraykanka ayaa tilmaamay in ciidamada Nato ay magaalada joogaan si ay ula taliyaan kuwa dalka afgaanistaan.

Maraykanka ayaa sidoo kale qaaday weerar cirka si ay u joojiyaan Taliban inay horay u socdaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM