Afganistan: Qarax ka dhacay Kabul

Image
Image
Image
Image
Image

KABUL- Ugu yaraan 10 qof ayaa la dilay 20 kalena waa la dhawacay kadib ruux walxaha qarxa isku soo xiray kaasoo abaaray xarun Boliis oo ku taalla caasumadda dalka Afganistan ee Kabul.

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Gudaha waddankaas Ayub Salang, ayaa xaqiijiyay weerarka kadib xilli uu la hadlay Telefishinka Al-Jazeera, wuxuuna tilmaamay inay socdaan baaritaano ku aaddan falkaas. 

Ciidamo ammaanka caasumadda Kabul ayaa tagay goobta weerarku ka dhacay, waxayna isku geedaameen xarunta qaraxa lala beegsaday iyagoo wada baaritaano kala duwan. Xaaladda dadka dhaawacmay ayaa qaybtood laga dayrinayaa, waxaana loola cararay goobaha caafimadka magalada xarunta u ah Afganistan. 

Kabul, ayaa hoy u noqotay bishii lasoo dhaafay weeraro ismiidaamin ah, waxaana qaraxyadii dhacay kamid ahaa mid lagu dilay todobo wariye oo u shaqaynayay Telefishin ka adeega xarunta dalkaas. 

Arrintan ayaa carqalad ku noqon karta dadaalo nabadeed oo laga waday gobolka taasoo ay faraha kula jiraan waddamada reer Galbeedka qaybtooda, waxaana ururka Taliban wacad ku maray inay qaadi doonaan olole ka dhan ah qorshaha dowladaha reer Yurub qaybtood. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Fiisooyinka u diiday Ardayda Shiinaha, Xiisad Cusub oo Ka Dhex Oogan Labada Dal

Beijing waxay uga digtay Washington inay ka fiirsato go’aannada noocan oo kale ah, kuwaas oo ay ku sheegtay inay dhaawacayaan xiriirka labada waddan.

  • Caalamka

    29-05-2025

  • 03:20PM

Elon Musk oo Ka Tegay Maamulka Trump, Kaddib Muran Siyaasadeed iyo Dhaliil Cusub

Mas’uul sare oo ka tirsan Aqalka Cad, kaas oo codsaday inaan la magacaabin, ayaa xaqiijiyay in Musk uu ka tegay Waaxda DOGE.

  • Caalamka

    29-05-2025

  • 03:08PM