Afgembigii Gabon oo dhicisoobay iyo Askartii ka danbeeyay oo la xiray

Image

Milatariga dalka Gabon ayaa maanta qaaday isku day afgambi oo ka dhan ah dowladda dalkaas.

Saraakiisha milatariga ayaa qabsaday raadiyaha qaranka Gabon ee magaalada caasimadda ah ee Libreville, aroortii maanta oo isniin ah.

Kelly Ondo Obiang ayaa raadiyaha ka sheegay in khudbad uu dhowaan raadiyaha ka jeediyey madaxweyne Cali Bongo “ay sii xoojisay tuhunka laga qabo awoodda uu u leeyahay inuu sii wato gudashada mas’uuliyadaha xafiiskiisa”

Madaxweynaha ayaa iminka ku sugan dalka Morocco, isaga oo kasoo kabanaya dhiig maskaxda uga furmay.

Dowladda ayaa saacado kadib isku daygaas sheegtay inay dib ula wareegtay maamulka, islamarkaana ay xirtay inta badan saraakiishii ku lugta lahaa afgambiga.

Afhayeenka dowladda Guy-Bertrand Mapangou ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in deganaansho dib loo caliyey xaalduna ay tahay mid ay gacanta ku hayaan.

Guy-Bertrand Mapangou ayaa sidoo kale u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in afar ka mid ah askartii qabsatay raadiyaha qaranka la xiray, midka shanaadna lagu raad joogo.

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM