​Afghanistan: Saldhigga Ciidamada Maraykanka oo la qarxiyay

Image

NATO ayaa sheegtay in 4 Askari oo u dhashay dalka Mareykanka lagu dilay weerar Dagaalyahanno katirsan Taliban ku qaadeen saldhig ku yaallo dalka Afghanistan.

Weerarka ayaa ku billowday Qarax Ismiidaamin ah, kaasi oo xigay Dagaal Toos ah oo Dagaalyahanno katirsan Taliban kusoo galeen Saldhigga ciidamada Mareykanka ee Bagram.

NATO ayaa xustay in 14 Askari oo kale ay ku dhaawacmeen weerarkan oo ah midkii ugu waynaa ee ciidamada Mareykanku kulahaa dalka Afghanistan.

Taliban ayaa sheegatay mas'uuliyadda Weerarka saldhiga Cirka ee Bagram.

Tallaabadan, ayaa muujinaysa in xaaladda dalka Afghanistan tahay wali mid aan cago badan ku taagnayn.

Weerarka kooxdaasi ku qaaday saldhigga Ciidamada Cirka Mareykanka ee magaalada Bagram ayaa imaanaya labo sano kadib markii NATO ay si rasmi ah u joojisay howlgalka dalka Afghanistan oo billowday 2011.

Saldhiggan ayaa dhowr jeer oo hore la weeraray.

Mareykanka waxaa ka joogo dalka Afghanistan 10,000 oo Askari kuwaasi oo intooda badan ku sugan fariisinkooda  Bagram.

GAROWEONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM