Afghanistan: Taliban oo weerartay xarunta baarlammaanka ee Kabul

Image
Image

June 22, 2015 (GO)- Taliban ayaa maanta oo Isniin ah weerar qorsheysan la beegsatay xarunta baarlammaanka dalka Afghanistan ee magaalada Kabul.

Weerarka ayaa ku bilowday qarax loo adeegsaday gaari miineysan, waxaana intaas kaddib dhismaha gudaha u galay dhowr dagaalyahan oo si aad ah u hubeysan.

Rasaas ayaa ka dhacaysa gudaha xarunta baarlammaanka, waxaana goobta ku hareeraysan cidamada sida gaarka ah u tababaran iyo booliska oo iskaashanaya.

Dhammaan xildhibaannada ayaa iyagoo bed qaba goobta laga saarey, haseyeeshee waxaa weerarka ku dhaawacmay hal xildhibaan oo dumar ah.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli isla maanta qorshuhu ahaa in baarlammaanka dalkaasi codka kalsoonida u qaadaan wasiirka cusub ee gaashaan-dhigga Massoom Stanekzai.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Anas al-Shariif iyo shan wariyeyaal Al Jazeera ah oo lagu dilay duqeymaha Israa’iil

Al-Shariif, oo 28 jir ahaa, ayaa muddo dheer ka soo waramayey waqooyiga…

  • Caalamka

    10-08-2025

  • 10:17PM

Masar iyo Turkiga oo Cambaareeyay Qorshaha Israa’iil ee Qabsashada Magaalada Gaza

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa si la mid ah uga hadlay arrintan, isagoo yiri, “Waa in si daahfuran looga hadlaa.

  • Caalamka

    10-08-2025

  • 05:40AM