Afhayeenkii Daacish oo Suuriya lagu dilay

Image

Kooxda isku magacowday dowladda Islaamiga ah ee IS ayaa sheegtay inuu geeriyooday Afhayeenkoodi horay loo dul dhigay Adduun lacageed oo gaaraysa 5 Malyan oo dallar Maraykanka ah.

Ninkan oo lagu magacaabo Abu Maxamed al-Cadnan ayaa lagu dilay iska hor imaad ka dhacay magaalada Xalab ee dalka Suuriya, waloow aan al sheegin waqtiga rasmiga ah ee uu dhintay.

Al-Cadnaani oo horay loo baadi goobayay ayaa geeridiisa lagu xaqiijiyay qoraal kooxdu soo dhigtay barahooda Internet ka ee taageera iyadoo sheegay inuu ahaa xubin muhiim ah oo ay waayeen.

Dowladda Maraykanka ayaa durba qorshahaasi ka hadashay, waxaana Mas'uul sare oo ka tirsan wasaaradda difaaca uu BBC u sheegay in ay qiimeynayaan duqeyn cirka ah oo Talaadadii loo geystay deegaanka al-Bab ee waqooyi bari Xaleb.

Waaxda Arrimaha Dibadda USA ayaa horay ninkan geeriyooday ugu tilmaamtay inuu halis ku yahay caalamka iyagoo ku daray liiska Argagixisada sida aadka ah loo raadinayay.

Dil sarkaalkan ayaa yimid xilli dalka Suuriya ka socoto duqaymo ka dhan ah kooxda IS.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM