​Al Shabaab oo weerar ka fuliyay Mandheera

Image

MANDHEERA, Kenya- Koox hubaysan oo katirsan Ururka Al Shabaab ayaa weerar khasaaro geestay ka fulisay gudaha magaalada Mandheera, ee waqooyiga Bari ee dalka Kenya.

Cali Roba, Gudoomiyaha magaalada Mandheera ayaa xaqiijiyay in lagu dilay 6 Qof, mid kalena lagu dhaawacay.

 Weerarka wuxuu dhacay Xalay Saqdii Dhexe Abaare 2:45 AM.

Wuxuu sheegay in ciidamada amniga Kenya ay ka jawaabeen falkaasi, islamarkaana ay kasoo badbaadiyeen 27 Qof, kuwaasi oo qeyb ka ahaa dad badan oo lagu weeraray guri ku yaalla Mandheera.

Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda dilka, kaasi oo ay ku tilmaameen mid ay ku bartilmaameedsadeen dad Masiixiyiin ah oo u dhashay dalka Kenya.

Wararka ayaa sheegaya in Dagaalyahanada Al shabaab ay Qarax la eegteen ciidamo Kenyan ah, oo isku dayay inay u gurmadaan dadka ku jiro Goobta la weeraray.

Afhayeenka dhanka Howlgallada Al shabaab Sheekh Cabdicasiis Abu Musab wuxuu sheegay in weerarka Ujeedkii ay ka lahaayeen gaareen, islamarkaana ay ku dileen Lix Kirishtaan ah.

Ragga weerarka Mandheera ka fuliyay, ayaa la sheegay inay xirnaayeen dareeska ciidamada Kenya, kuwaasi oo weerarka kadib kasoo tallaabay xuduuda Kenya.

Howlgallada Al Shabaab ee Xadka Kenya  iyo Somalia ka gudubka, ayaa sii kordhayay wixi ka danbeeyay markii ciidamada xukuumadda Nairobi soo galeen gudaha waddanka Somalia  Oct, 2011.

GAROWEONLINE

Related Articles

Netanyahu oo si qarsoodi ah u booqday Imaaraadka, lana kulmay MBZ intii uu socday dagaalka Iran

Labada dal ayaa xiriir rasmi ah sameystay sanadkii 2020 kadib heshiisyadii loo yaqaan Abraham Accords.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 08:38PM

Trump Oo Gaaray Shiinaha Kahor Shir Uu La Yeelanayo Xi Jinping

Ajandaha ugu weyn ee wada-hadallada ayaa lagu sheegay xiisadda Iran, oo Mareykanku doonayo in uu ka helo taageero caalami ah.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 12:58PM