​Al Shabaab oo weerar ka fuliyay Mandheera

Image

MANDHEERA, Kenya- Koox hubaysan oo katirsan Ururka Al Shabaab ayaa weerar khasaaro geestay ka fulisay gudaha magaalada Mandheera, ee waqooyiga Bari ee dalka Kenya.

Cali Roba, Gudoomiyaha magaalada Mandheera ayaa xaqiijiyay in lagu dilay 6 Qof, mid kalena lagu dhaawacay.

 Weerarka wuxuu dhacay Xalay Saqdii Dhexe Abaare 2:45 AM.

Wuxuu sheegay in ciidamada amniga Kenya ay ka jawaabeen falkaasi, islamarkaana ay kasoo badbaadiyeen 27 Qof, kuwaasi oo qeyb ka ahaa dad badan oo lagu weeraray guri ku yaalla Mandheera.

Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda dilka, kaasi oo ay ku tilmaameen mid ay ku bartilmaameedsadeen dad Masiixiyiin ah oo u dhashay dalka Kenya.

Wararka ayaa sheegaya in Dagaalyahanada Al shabaab ay Qarax la eegteen ciidamo Kenyan ah, oo isku dayay inay u gurmadaan dadka ku jiro Goobta la weeraray.

Afhayeenka dhanka Howlgallada Al shabaab Sheekh Cabdicasiis Abu Musab wuxuu sheegay in weerarka Ujeedkii ay ka lahaayeen gaareen, islamarkaana ay ku dileen Lix Kirishtaan ah.

Ragga weerarka Mandheera ka fuliyay, ayaa la sheegay inay xirnaayeen dareeska ciidamada Kenya, kuwaasi oo weerarka kadib kasoo tallaabay xuduuda Kenya.

Howlgallada Al Shabaab ee Xadka Kenya  iyo Somalia ka gudubka, ayaa sii kordhayay wixi ka danbeeyay markii ciidamada xukuumadda Nairobi soo galeen gudaha waddanka Somalia  Oct, 2011.

GAROWEONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM