Al shabaab oo weerar khasaaro geestay ka fulisay Mandheera

Image

MANDHEERA, Kenya- Dagaalyahano katirsan Ururka Al Shabaab ayaa xalay weerar ku qaadey deegaan lagu magacaabo Cumar Jilacoow oo ku dhaw magaalada Mandheera, ee gobolka Waqooyiga Bari ee dalka Kenya.

Al Shabaab ayaa Weerarka la beegsatay Saldhig Boolis iyo Guri uu degan yahay Sarkaal katirsan maamulka degmada Mandheera, oo lagu magacaabo Deeqow Cabeey Siraad oo ku yaalla deegaanka.

Dagaalyahanada ayaa ku dilay Deeqow Cabeey Siraad Gurigiisa, halka Labo Askari oo kalena ay ku kasoo afduubteen saldhiga ay weerareen, oo qiyaastii 16KM u jira magaalada Mandheera oo ku dhaw xadka Somalia.

Mas'uul katirsan maamulka gobolka Waqooyi Bari ee Kenya oo lagu magacaabo Mohamud Saleh ayaa xaqiijiyay in Al shabaab ay dishay Deeqow Cabeey Siraad, sidoo kalena ay afduubya labo Askari oo kuwa keydka ah.

Wuxuu sheegay in Sarkaalka la dilay uu ku cusbaa shaqada islamarkaana uu xafiiska joogay mudo hal sano ah, wuxuuna ku tilmaamay inuu ahaa shaqsi forfircoon, oo howl wanaagsan u hayay shacabkiisa.

Dadka deegan Deegaanka Cumar Jilacoow ayaa tilmaamay in ay maqleen xalay abaare 10:00 pm, lix xabadood, oo ahaa kuwii lagu dilay Marxuum Deeqow, oo saaka meydkiisa laga helay meel bannaanka  magaalada ah.

Deegaanada Cumar Jilacoow, Mandera, Arabia, Fino, Lafey Kotulo iyo Elwak oo  7KM  u jira xadka Somalia waxay dowladda Kenya kusoo rogtay Bandow Subixii illaa Habeenkii ah, kadib markii ay weerarada Al Shabaab kusoo kordheen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM