Al-Bashir oo ka soo safray Koofur Afrika

Image

Madaxweynaha dalka Sudan Cumar Xasan Al-bashiir ayaa ka soo safray dalka Koofur Afrika, iyadoo maxkamad ay ku amartay inuusan bixi karin.

Al-Bashir oo ay doondooneysa Maxkamadda dembiyada caalamka ayaa waxa uu dalkaasi uga qeybgalay shirka madaxda Afrika.

Maxkamad ku taasha dalka Koofur Afrika ayaa bilowday inay dhageysato kiiska arrintaasi la xiriira. waxayna dooneysaa inay go'aan ka gaarto in Al-Bashir loo dhiibo ICC.

Madaxweyne Al-Bashir, oo dalkaasi Koofur AFrika u jooga inuu kaga qeybgalo shirka midowga Afrika, ayaa ICC waxa ay ku eedeyneysaa inuu geystay dembi dagaal.

Shalay xeer ilaaliye Maxkamadeed ayaa soosaray go’aan ah in Al-Bashir uusan ka bixi karin dalkaasi illaa dalabka ICC ay go’aan ka gaareyso.

Laakiin weriyaha BBC-da ee Johannesburg ayaa sheegeysa in qareeno dowladda matalaya la filayo inay tagaan Maxkamadda ayna ku doodaan in Al-Bashir ay tahay in loo ogolaado inuu dalkaasi dib ugu noqdo oo uu yahay qof xor ah.

Afhayeen u hadlay wasaaradda cadaaladda ee Koofur Afrika, ayaa sheegay in qareenada dowladda ay si adag ugu doodi doonaan in kiiska ka dhanka ah Al-Bashir la tuuro oo meesha laga saaro.

Xubnaha Sudan ee shirka ku sugan waxa ay go’aan ku gaareen oo ay ku adkeysanayaan in Al-Bashir uu ka bixi doono South Afrika xilligii loogu talagalay.

XIGASHO:BBC

Related Articles

Walaac ka taagan Dalalka Khaliijka oo ka baqaya weerar uga imaan kara Iran

Tusaale ahaan, Baxrayn waxay hoy u tahay Xarunta Howlgalka Ciidamada Badda ee Mareykanka ee Bartamaha, taasoo noqon karta bartilmaameed.

  • Caalamka

    19-06-2025

  • 02:55PM

Khamenei oo u jawaabay Trump: “Iran marnaba isma dhiibayso”

Xiisadda gobolka ayaa si weyn u kacsan kadib weerarro is-daba joog ah oo u dhexeeyay Israel iyo Iran.

  • Caalamka

    18-06-2025

  • 11:58AM