ALGERIA: 257 ku dhimatay shil diyaaradeed

Image
Image

Algiers - Ugu yaraan 257 qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku geeriyoodeen shil diyaaradeed oo ka dhacay dalka Algeria, oo kamid ah wadamada ku yaalla waqooyiga qaaradda Africa.

10 kamid ah dadkan ku dhintay shilka ayaa ahaa shaqaalaha diyaaradda.

Warbaahinta dowladda Algeria ayaa xaqiijisay in diyaaradda oo ahayd mid Militariga ay soo dhacday waxyar kadib ay ka duushay saldhiga Ciidamada Cirka ee Boufarik airbase.

Diyaaradda oo nooceedu ahaa Ilyushin Il-76, islamarkaana lagu farsameeyay Ruushka ayaa ku burburtay duleedka magaalada Algiers ee Caasimadda dalka Algeria.

Saraakiisha Ciidamada cirka ayaa sheegay in diyaaradda ay waday Askar kusoo jeeday magaalada Bechar, oo ku taalla Algeria, kuwaasi oo dhamaantood ku dhimatay shilka

Wasaaradda gaashaandhigga Algeria ayaa xaqiijisay shilka diyaaradeed, oo noqonaya midkiii ugu xumaa oo dalkaasi ka dhacay tan iyo 2003.

120 qof ayaa naftooda ku waayay diyaarad ay leeday Shirkadda Algerie jet oo burburtay daqiiqado kadib markii ay kasoo kacday Garoonka Tamanrasset ee wadanka Algeria.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Heshiiska Iiraan wuxuu ka dhigi doonaa Marinka Hormuz mid si joogto ah u furan

Wareysi uu bixiyey Axaddii, Trump wuxuu sheegay in haddii Tehran ay ku guuldarreysato…

  • Caalamka

    15-06-2026

  • 03:12AM

Iran oo shaacisay waqtiga la aasayo Ayatollah Ali Khamenei 100 maalin kadib dilkiisa

Waxayna inta dhexeyso 4-ta ilaa 9-ka Luulyo ka dhici doonaan magaalooyinka Tehran, Qom, iyo Mashhad.

  • Caalamka

    13-06-2026

  • 12:43PM