​Amiirkii hore ee dalka Qadar oo geeriyooday

Image

Amiirkii hore ee dalka Qadar, Sheekh Khalifa Bin Xamad Al-thani ayaa geeriyooday shalay oo Axad ahayd, isaga oo da'diisu tahay 84 sano jir.

Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-thani oo ah Amiirka hadda talada haya isla markaana ah wiil uu awoow u yahay Sheekh Khalifa ayaa saddex maalmood oo baroordiiq ah uga dhawaaqay dalkaasi.

Sheekh Khalifa ayaa xilka qabtay sanadkii 1972 kaddib markii dalkaasi uu xorriyaddiisa ka qaatay Britain waxa uuna dalkaasi xukumayay tan iyo sanadkii 1995, xilligaasi oo wiilkiisa uu afgambiyay isaga oo fasax ugu maqan dalka Switzerland.

Sheekh Khalifa ayaa diyaaradaha dagaalka ee waddamada Mareykanka, Canada iyo Faransiiska u ogolaaday in ay ka duulaan saldhigyada ciidamada cirka ee dalkiisa sanadkii 1991, xilligaasi oo dagaal lagula jiray ciidamadii Saadaam Xuseen oo qabsaday dalka Kuwait.

BBC

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM