Antonio Guterres oo qaylo-dhaan u diray madaxda dunida

Image

NEW YORK, USA – Xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay madaxda caalamka in ay ku dhawaaqaan "xaalad deg-deg ah" oo la xiriira isbedelka caalamka si looga hortago "musiibadda" wasaqowga sii guud aduunka.

Hadalkan ayuu Antonio Guterres ka sheegay kulan fogaan arag ah kaasoo in ka badan 70 hogaamiyeyaal uga wadahadleen Sabtidii hanaan cusub oo wax looga qaban karo isbedelka cimilada kadib heshiiskii Paris ee 2015-kii.

Axdigaas oo ay kasoo wareegatay shan sano waxaa soo wajahay dharbaaxo kadib markii maamulka Donald Trump uu Mareykanka ka saarey. Inkasta uusan wali shaacin, maamulka Joe Biden waxaa lagu wadaa in uu kusoo celiyo.

Guterres ayaa ka digay in xaaladda ay kasii dari karto hadii hogaamiyeyaasha caalamka ay iska-indhatiraan dhibaatadda "cimiladeeda kusoo fool leh".

"Hadii qof walba uu diido in uu wajaho, waxaan heli doonaa cimilo musiibo ah iyo koror ku yimaadda heer-kulka labadiisa nooc," ayuu ka yiri shirka.

Sidda laga soo xigtay Guterres, xaaladda deg-deg ah waxay abuureysaa jawi dhexdhexaad ah iyo in waddan walba uu mas'uuliyad gaar ah iska saaro sidii aafadan caalamiga ah aysan u saameyn lahayn dadka aduunka oo idil.

Soomaaliya ayaa kamid ah wadamadda uu isbedelka cimiladda durba saameeyay gaar ahaan xilli roobaadka, arrintaas oo hadii aysan dowladda qorshe wax ku ool ah ka degsan sababi karo xaalad bini'aadanimo oo faraha ka baxda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maraykanka oo kordhiyey joogitaankiisa ciidan ee Bariga Dhexe, iyadoo cadaadis lagu saarayo Iran

Warqad ay Iran u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayay ku sheegtay inaysan…

  • Caalamka

    20-02-2026

  • 11:40AM

Trump oo Shirkii ugu horreeyay ee “Board of Peace” ku qabtay Washington 

Trump ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha guddiga ay ballanqaadeen $7 bilyan oo loogu talagalay dib-u-dhiska Gaza.

  • Caalamka

    19-02-2026

  • 08:30PM