Aqalka Cad iyo Trump oo warar is-burinaya kasoo saarey badqabkiisa

Image

WASHINGTON, US – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, iyo Aqalka Cad ayaa warar is-burinaya kasoo saarey xaalada caafimaad ee hogaamiyaha kadib markii isbitaal milatari loo dhigay sabab la xiriirta aafada Covid-19.

Trump ayaa muuqaal uu soo duubay ku sheegay in uu xanuun dareemayey markii uu tagayey isbitaalka Walter Reed, balse uu hadda wanaagsan yahay.

Isbiaalka milatariga ee magaalada Bethesda ayaa loo gudbiyey shalay saacado un kadib markii la xaqiijiyey in uu la nool yahay faruskaan halista badan.

Hadalka Trump wuxuu burinayaa bayaan kal hore uga soo baxay Aqalka Cad kaasoo aad uga dayriyey xaalada madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo.

Agaasimaha guud ee Aqalka Cad, Mark Meadows, ayaa tibaaxay in astaamaha lagu arkay madaxweynaha ay yihiin "kuwa mudan in aad looga walaaco".

Telefishinka maxaliga ah ee CNN ayaa wariyey in Trump oo 74-jir ah ay ku adag tahay neefsashada isla markaana xaalkiisa ka daran yahay marwada koowaad.

"Hadda wuu wanaagsan yahay, balse waxaan ka cabsi qabnaa in waqti walba ay wax isbedeli karaan," wuxuu sidaas kasoo xigtay mas'uul ka gaabsaday magaciisa.

Aqalka Cad ayaa si cad wuxuu u shaaciyey in aysan jiri doonin awooda uu wareejinayo Trump maadaama dastuurka xeerinayo in qayb kamid ah uu ka tanaasulo hadii madaxweynaha xaalad caafimaad lasoo dareysto.

Xaaladda lasoo dareystay Trump ayaa ugu yaraan meesha ka saartey ololihiisa doorashadda soo aadan, waxaana ay sarre u sii kacaya suurtagalnimada in ay saameyn ku yeelan karto coddeynta loo balansan yahay 3-da November.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM