Arday lagu laayay xadka Kenya

Image

Mallayshiyaad hubaysan oo la tuhunsanyahay inay kasoo jeedaan dalka Koonfurta Suudaan ayaa weerar ku qaaday iskuul lagu magacaabo Lokichogio AIC Secondary School oo ku yaalla xadka fog ee dalka Kenya.

Weerarka oo dhacay aroornimadii hore ee saaka ayaa lagu dilay 5 Arday iyo mid kamid ah waardiyaashii Iskuulka.

Warar aan la xaqiijin ayaa sidoo kale tilmaamaya in la kufsaday dhowr dumar ah oo kamid ahaa Ardayda Iskuulka.

Dadka qaban dhaawacyada yar yar ayaa lagu dabiibayaa hadda Lopiding Hospital oo ku yaalla  Lokichiogio, halka kuwa xaaladoodu adagtahay lagu daweynayp Lodwar Referal Hospital ee dalka Kenya.

Ma cadda sababta loo waareeray Iskuulkan, balse ciidamada Booliiska ayaa ku waramay inay wadaan baaritaan.

Waxaa la rumaysanyahay in qofka weerarka qaaday uu kamid ahaa ardayda Iskuulka kaasoo bilo ka hor laga joojiyay waxbarashada.

Guddoomiyaha gobolka Turkana, Josphat Nanok, ayaa cambaareeyay weerarkaas oo ku tilmaamay in loo gaysteen dad aan waxba galabsan.

"Maalin murugo ayay u tahay gobolka Turkana. Ciidamadu waa inay baaritaan sameeyay oo ay bannaanka soo dhigaan cidda ka dambaysan weerarka." ayuu yiri Josphat Nanok.

Maaha markii ugu horaysay oo weerar lagu qaado iskuulo ku yaalla dalka Kenya.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM