Arday lagu laayay xadka Kenya

Image

Mallayshiyaad hubaysan oo la tuhunsanyahay inay kasoo jeedaan dalka Koonfurta Suudaan ayaa weerar ku qaaday iskuul lagu magacaabo Lokichogio AIC Secondary School oo ku yaalla xadka fog ee dalka Kenya.

Weerarka oo dhacay aroornimadii hore ee saaka ayaa lagu dilay 5 Arday iyo mid kamid ah waardiyaashii Iskuulka.

Warar aan la xaqiijin ayaa sidoo kale tilmaamaya in la kufsaday dhowr dumar ah oo kamid ahaa Ardayda Iskuulka.

Dadka qaban dhaawacyada yar yar ayaa lagu dabiibayaa hadda Lopiding Hospital oo ku yaalla  Lokichiogio, halka kuwa xaaladoodu adagtahay lagu daweynayp Lodwar Referal Hospital ee dalka Kenya.

Ma cadda sababta loo waareeray Iskuulkan, balse ciidamada Booliiska ayaa ku waramay inay wadaan baaritaan.

Waxaa la rumaysanyahay in qofka weerarka qaaday uu kamid ahaa ardayda Iskuulka kaasoo bilo ka hor laga joojiyay waxbarashada.

Guddoomiyaha gobolka Turkana, Josphat Nanok, ayaa cambaareeyay weerarkaas oo ku tilmaamay in loo gaysteen dad aan waxba galabsan.

"Maalin murugo ayay u tahay gobolka Turkana. Ciidamadu waa inay baaritaan sameeyay oo ay bannaanka soo dhigaan cidda ka dambaysan weerarka." ayuu yiri Josphat Nanok.

Maaha markii ugu horaysay oo weerar lagu qaado iskuulo ku yaalla dalka Kenya.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM