​Argentina: Dambi lagu helay saraakiil hore

Image

Maxkamad ku taalla waddanka Argentina, ayaa saraakiil hore ku heshay dilal, shirqool iyo jirdil loo gaystay muwaadiniin dalkaas u dhashay, gaar ahaan hogaamiyihii mucaaradka garabka bidix ee Koonfur America.

Sariikiishan, oo milletiriga waddankaasi katirsanaa ayaa Afartan sano ka hor maleegay qorshe lagu dilay hogaamiyahaasi, waxaana falkaasi ku lug lahaa waddamo dhawr ah iyadoo loogu magac daray howlgalkii Coomaadiga [Opertation Condor].

Maxkamadda aya sidoo kale lagu wargaliyay in Boqolaal qof oo kale lagu waayay dambi ah inay u ololeynayeen hishiis qarsood ahaa oo dhexmaray dalalka Argentina, Uruguay, Brazil, Chile, Paraguay iyo Bolivia.

Hoggaamiyhii hore ee militeriga Argentina, Reynaldo Bignone, ayaa 20 sano loogu xukumay qeybtii uu ka qaatay howlgalkan.

Gaashaanle hore oo u dhashay Urugway, Manuel Cordero, ayaa isna lagu helay jirdil.

Ninkan, ayaa la filayaa in lagu qaado dacwad la xiriirta dambiga lagu helay, wuxuuna la kulmi doonaan go'aan adag maadama uu qayb ka ahaa rag kiiskooda waqti badan la baarayay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM